> For the complete documentation index, see [llms.txt](https://fogaandersi-wwhts.gitbook.io/fogaandersi-documentation/-MWNw-P-ugJ1diSRKsAu/llms.txt). Markdown versions of documentation pages are available by appending `.md` to page URLs; this page is available as [Markdown](https://fogaandersi-wwhts.gitbook.io/fogaandersi-documentation/-MWNw-P-ugJ1diSRKsAu/master.md).

# Hordhac

FogaanDersi waa adeeg waxbarasho oo fogaanbarad ah, kaasoo ay hirgelisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa manhakja waxbarashada qaranka ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sareba.

Adeegani wuxuu ka caawinayaa ardayga soomaaliyeed inuu heli karo goob waxbarasho oo uu ku xoojinkoro korna ugu qaadi karo tayada waxbarashadiisa.

Adeegani waa lacag la'aan waxaana ka faaidaysankara dhamaan ardayda soomaaliyeed meelkasta oo ay ka joogaan daafaha caalamka.

### Xasuusin

Adeeggani kama turjumayo inuu yahay badiil u dhigma waxbarashada caadiga ah ee dugsiga la xaadirayo. Sidoo kale lagagama maarmi karo gabi ahaanba waxbarashada tooska ah, balse wuxuu caawinayaa ardayga raba inuu kor uqaado tayada waxbarashadiisa.

**Maalgelin**

Adeegan FogaanDersi waxaa laga maalgeliyay **Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada GPE**

![](/files/-MWYOzvI4iqph9PyXxq_)
