Hab-Adeegsiga Ardayga
Last updated
Was this helpful?
Last updated
Was this helpful?
Fiiri dhanka bidixda
Riix halka ay qorantahay Maadooyinka
Maadooyinkaaga ayaa kuusoo bixi doona
Ka dooro maadada aad rabtid casharkeeda inaad daawato, adigoo ku dhufanaya botonka Daawo
Waxaa kuu furmi doona bog cusub ay ku jiraan dhamaan casharadii maadadaas oo u habaysan Cutubyo
Ku dhufo magaca casharka aad rabtid inaad daawatid/fiirsatid
Fiiri Jaantusyada hoose si aad u heshid fahan dheeraad ah.
Fiiri dhanka bidixda
Riix halka ay qorantahay Dashboard
Waxaa kuu muuqda maaddo kasta tirada casharada ay ka koobantahay iyo inta cashar ee aad dhamaysatay daawashadooda.
Fiiri Jaantusyada hoose si aad u heshid fahan dheeraad ah.
Ugu horeyn waxaad tagaysaa casharka aad su'aasha ka qabtid
Kadib riix halka ay ku qorantahay Waydiimo
Ku dhufo halka ay ku qorantahay Waydiin Dhig
Su'aashaada ayaad ku qoraysaa halkaas, kadibna ku dhufo botonka Dhig ama Dir
Fiiri Jaantusyada hoose si aad u heshid fahan dheeraad ah.
Ugu horeyn waxaad tagaysaa casharka aad cabashada ka qabtid
Fiiri qaybta ka hooseysa Video-ga casharka, riix halka ay ku qorantahay Ka-Cabo
Ka dooro Nooca Cabashada
Ku qor Faahfaahinta cabashada qaybta loogu talagalay
Kadib riix botonka Gudbi Cabasho
Fiiri Jaantusyada hoose si aad u heshid fahan dheeraad ah.
Fiiri dhanka midigta ee sare, halka uu ka muuqdo sawirka iyo magaca ardaygu
Riix halkaas, oo ka dooro Wax ka bedel xogtaada
Kadib dooro qaybta Bedel Xogta (User Profile) ama qaybta Bedel Fure-sireedka (Update Password)
Kadib riix botonka Cusboonaysii
Fiiri Jaantusyada hoose si aad u heshid fahan dheeraad ah.