Qaybaha Adeegsadayaasha
Imisa qaybood ayaa adeegsankara adeegga FogaanDersi?
Adeegga FogaanDersi guud ahaan waxaa adeegsankara 4-tan qaybood ee hoos ku xusan:
Qaybta WWHTS
Qaybta Dugsiga
Qaybta Bareha
Qaybta Ardayga
Awoodaha Qaybta WWHTS
Qaybtani waxay awood u leedahay maamulka guud ee adeegga FogaanDersiga oo ay kamid yihiin qodobadan hoos ku xusan:
Kusoo darista Fasallada, Maadooyinka, Cutubyada iyo Casharrada
Waxkabedelista Fasallada, Maadooyinka, Cutubyada iyo Casharrada
Diiwaangelinta Dugsiyada ee gudaha
Hubinta iyo Ogolaanshaha Dugsiyada iskasoo diiwaangelinaya dibadda si ay u isticmaalaan Adeegga FogaanDersiga
Caawinta ciddii cabasho ka qabta hab-adeegsiga adeegga FogaanDersi
Horumarinta, Fududaynta iyo Casriyaynta adeegga FogaanDersi, si uu u noqdo mid ka jawaabikara baahida ardayga Soomaaliyeed.
Awoodaha Qaybta Dugsiga
Dugsigu waa qaybta ugu awoodda sarreysa marka laga yimaado qaybta WWHTS. Dugsigu wuxuu awood u leeyahay qodobadan hoos ku taxan:
Diiwaangelinta Berayaasha (Macallimiinta) dugsiga
Diiwaangelinta Ardayda Dugsiga
Ku qoridda Bareha Maadooyinka uu kormeerayo
La socoshada warbixinta Bareha sida: Casharrada uu daawaday macalinku, su'aalaha uu uga jawaabay ardayda guud ahaan, su'aalaha aanu ka jawaabin Bareha iwm.
La socoshada warbixinta Ardayga sida: Tirada Casharada uu daawaday maaddo kasta, su'aalaha uusoo waydiiyay Bareha, jawaabaha uu ka falceliyay iwm.
Caawinta Bareha iyo Ardayga hadii ay ilaawaan cinwaanada ay kusoo gelayaan adeegga FogaanDersi
Awoodaha Qaybta Bareha
Barehu wuxuu awood u leeyahay qodobadan hoos ku taxan:
Daawashada casharada ku jira maadooyinka uu kormeeraha ka yahay
Helidda liiska ardaydiisa (ardayda dhigata maadooyinka uu kormeeraha ka yahay)
La socoshada warbixinta ardaygiisa ee ku saabsan casharada uu daawaday, waydiimaha uuso gudbiyay iwm
Ka jawaabista waydiimaha ardaygiisu soo waydiiyay
Awoodaha Qaybta Ardayga
Ardayga oo ah cidda ugu muhiimsan ee adeegsanaysa adeegga FogaanDersi wuxuu awood u leeyahay qodobadan hoose:
Daawashada dhamaan casharrada ku jira fasalkiisa
La socoshada warbixinta tirada casharada uu ka daawaday maaddo kasta
Waydiinta su'aalaha casharada uu daawanayo
Wax ka bedelista ciwaanka iyo furesireedka akoonkiisa FogaanDersi
Soo gudbinta cabasho ku saabsan casharada qaarkooda haday shaqaynwaayaan ama cilad farsamo ka jirto
Last updated
Was this helpful?